
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in Geeska Afrika cidda wax laga weydiinayo maanta ay tahay hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Jubaland (JISA).
Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in uu hubo in Jubaland dhanka sirdoonka kaga horreyso dowladda federaalka Soomaaliya.
“Xogta amni ee Geeska Afrika cidda maanta wax laga weydiinayo waa hay’adda sirdoonka nabadsugidda Jubaland (JISA), waan hubaa xitaa dowladda Soomaaliya iyadaa uga horreysa”
Madaxweynaha Jubaland ayaa hadalkan jeediyay, isagoo xarigga ka jaray xarunta dhexe ee hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Jubaland (JISA), oo si casri ah loo dhisay.
Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Jubaland oo la asaasay 2013, ayaa la sheegaa in ay tahay hay’ad awooda badan oo uu tacab badan geliyay madaxweyne Axmed Madoobe.










PUNTLAND POST