
Madaxweynaha dowdda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada, kaas oo la sheegay in diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyay wasiirrada in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta howlaha dowladda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu xusay in miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026 ay kor u kici doonto, lana qorsheeyay in kororkaasi lagu maalgeliyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay golaha wasiirrada in ay si buuxda uga qeybqaataan dadaallada dimuqraadiyeynta dalka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka loona adkeeyo muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST