Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada, xildhibaan Yuusuf Maxmamed.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa wasiirka wasaaradaas u magacaabay Prof. Saalim Caliyow Ibrow, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
“Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay howsha baaxadda leh iyo shaqada hortaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu u magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS” ayaa lagu yiri qoraalka.

PUNTLAND POST