
Shirkii nabadda ee ka socday magaaalda Ceerigaabo ayaa maanta lasoo gabagabeeyay, waxaana ka soo baxay war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo ay ku heshiiyeen beelaha shirkaas ka qaybgalay.
Beelaha ayaa ku heshiiyeen in nabad iyo walaaltimo lugu wada noolaado, guud ahaan gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo.
Beelahu waxay isla qaateen in ay ilaashadaan nabadgelyadooda, wadajirkooda, walaatinimadooda iyo dowladooda Somaliland, sida lagu sheegay war-murtieedka.
Beelaha reer Sanaag waxay kaloo isla qaateen in nabad loogu baaqo lagana howlgalo sidii loo raadin lahaa cid kasta oo ka maqan nabadda Ceerigaabo.
Beelaha gobalka Sanaag waxay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland in ay gobolka mashaariic horumarineed ka fuliso, sida ugu dhakhsaha badan.
Beelaha gobalka Sanaag waxay ku heshiiyeen in guud ahaan amniga gobolka ay mas’uul tahay dowladda Somaliland, cid kasta oo nabadda caqabad ku ahna tallaabo ka qaado.
Waxaa xusid mudan, shirka nabadda Ceerigaabo in aysan ka qaybgelin beesha Dhulbahante oo ka mid ah beelaha dega magaaladaas iyo gobolka Sanaag.
PUNTLAND POST