
Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Ceerigaabo, halkaas oo uu uga qaybgalayo shirka nabadda beelaha gobalka Sanaag.
Wafdiga Sudlaan Siciid waxaa duleedka Ceerigaabo ku soo dhaweeyay guddida Somaliland u qaabilsan qabanqaabada gogosha nabadda magaalada Ceerigaabo iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas.
Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa imaanaya magaalada Ceerigaabo, halkaas oo lagu wado in uu maanta ka furo shirka nabadda beelaha gobalka Sanaag.
Somaliland iyo Puntland ayaa ku heshiiyay in nabad lagu dhammeeyo colaadda Ceerigaabo, balse waxaa jira beelo dega magaaladaas oo aan weli qayb ka ahayn shirka nabadda.
PUNTLAND POST