
Laascaanood (Faallo) —Dhowaan Suldaan Mowliid Sabbayste ayaa ku tilmaamay Buurmaadow inuu yahay “cad xaaraan ah oo ku dhex jira Somaliland”. Suldaanku ujeeddadiisu ma ahayn inuu aflagaaddeeyo hooyada Buurmadnow, hase ahaatee si aan ula-kac ahayn ayuu ugu gefay hooyo Soomaaliyeed si la mid ah sidii Buurmadow ugu gefay hooyada Garaad Jaamac Garaac Cali. Qof marka Soomaalidu ku tilmaanto “xaaraan”, macnuhu waa “qofkaas xalaal kuma dhalanin”, “ waa garac” iwm.
Fashilka wadaaddada Soomaaliyeed
Markuu Buurmadow ku tilmaamay Garaad Jaamac Garaac Cali inuusan ahayn Ina Garaad Cali wuxuu ku kacay mid ka mid ah toddobbada dambi uu Nabi Maxamed (NNKH) naga waaniyay: in haweeney Muslimad ah oo wanaagsan lagu eedeeyo inay sinaysato/sinaysatay. Ma jiro ilaa hadda wadaad ka hadlay gefkaas. Toddobaadkii hore Buurmadow wuxuu mar kale meel uga dhacay gabdho Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in Ceerigaabo “lagu haysto”. Diinta Islaamku maxay ka qabtaa gefefka soo noqnoqday ee Buurmadow? Waxaa xusid mudan in maamulka Puntland uu Buurmadow ku soo dhoweeyay Garoowe kaddib aflagaaddadii uu geystay Garaad Jaamac Garaad Cali hooyadiis. Suldaan Garaase ayaa soo dhoweyntaas ka soo horjeestay. Buurmadow wuxuu been ka sheegay Boqor Burhaan oo uusan wax xiriir telefoon ah la yeelanin.

Garaad Jaamac Garaad Cali isaguba gefef ayuu ku kacay uusan weli raalligelin ka bixinin. Marar kala duwan ayuu u gefay beelo Soomaaliyeed (mar aayado ayuu u daliishaday; mar nasabkooda ayuu wax ka sheegay). Ma jiro wadaad ka hadlay meel-ka-dhaca uu Garaadku geystay.
Waa arrin muhiim ah in loo baahan yahay in laga hadlo xakamaynta madaxdhaqameedka Soomaalida qaarkood oo caadaystay meel-ka-dhac. Haddii laga aamuso colaado iyo is neceyb jiitama ayaa ka dhalan doona. Qof maskaxda lagaga jiro oo keliya ayaan lala hadlin ama la celinin markuu gefo.