
Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta doortay xildhibaanadda ilaa 2027 Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
Xubnahan oo ka kooban sagaal, afar haween tahay ayaa isugu jiraan dublamaasiyiin, aqoonyahano iyo siyaasiyiin, kuwaas oo kala ah;
1. Xuseen Xasan Cabdi
2. Dr Cabdisalaan Hadliye
3. Pro. Faysal Cabdi Rooble
4. Amb. Faadumo Cabdullaahi Insaaniya
5. Fahma Axmed Nuur
6. Ilhaan Cali Gasar
7. Amb. Sahro Cali Xasan
8. Amb. Abuukar Cali Mardaadi, iyo
9. Cabdiraxmaan Bashiir Shariif.
Soomaaliya ayaa ku biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika bishii Maarso ee sanadkan.
Waddamada xubnaha ka ah EAC ayaa waxa ay iska kaashadaan dhinacyo quseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga.
PUNTLAND POST