
Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa xukunno kala duwan ku riday eedaysanayaal ajaaniib iyo Soomaali ah, kuwaas oo la sheegay in ay sifo sharci-darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Puntland, gaar ahaan kuwa gobolka Raascasayr.
Maxkamadda ayaa 15 badmaax oo u dhashay dalka Iiraan ku xukuntay midkiiba shan kun oo doolar, halka doontii ay wateen lagu xukumay todobaatan kun oo doolar.
Sidoo kale labo nin oo Iiraaniyiin ah oo ku dhintay howlgalkii doonta lagu soo qabtay ayaa maxkamaddu xukuntay in ay maydkooda qaadan karaan qoysaskooda.

Wakiilkii doonta oo maqane ah laguna magacaabo Saadaam Cabdi Goonyacade ayaa maxkamaddu ku xukuntay shan sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan shan kun oo doolar.
Sidoo kale labo nin oo Soomaali ah oo ilaalo ahaan u saarnaa doonta ayaa lagu xukumay mid saddex sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo midkiiba dhan labo kun oo doolar.
Hoos daawo go’aanka maxkamadda
PUNTLAND POST