
Xarunta macluumaadka khayraadka biyaha iyo dhulka ee Puntland ayaa soo saartay saadaasha roobka ee maalmaha soo socda (16 ilaa 22 Oktoobar 2025).
Xarunta ayaa sheegtay in filashada roobka ee toddobaadkan ay tahay mid hooseysa inta badan deegaanada Puntland.
Degmooyinka Galdogob, Bursaalax, iyo deegaano hoostaga degmada Gaalkacyo ayay sheegtay in la filayo in ay helaan roobab dhexdhexaad ah, xaddi ahaana gaari kara (50-100 mm).
Halka dagmooyinka Burtinle, Xarfo, Godobjiiraan, Jariiban, Qardho, Eyl iyo Caluula ay tilmaantay in la filayo in ay helaan roobab gaari kara (10-50 mm).
Xarunta ayaa bulshada ku nool deegaanada roobabka dhexdhexaadka ah laga filayo waxay kula talisay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, kana fogaadaan meelaha biyo mareenada ah.
PUNTLAND POST