
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ciidan boolis ah oo lagu tababarayo degmada Carmo ay yihiin kuwa wax looga qabanayo dadka hubaysan ee reer Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ciidankan loo sameeyay dadka reer Puntland ee hubaysan, kuwaas oo sida uu sheegay ay dhici karto in ay mararka qaar ku kacaan faldambiyeedyo.
Madaxweyne Deni ayaa hadalkan maanta ka jeediyay booqasho uu ku tagay kulliyada Carmo oo ciidamadaas lagu tababarayo.
Sidoo kale Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in ujeedada ciidankan loo sameeyay in ay tahay in ay wax ka qabtaan dadka hubaysan.
Deegaannnada Puntland ayaa hub badan wuxuu gacanta ugu jiraa beelo, siyaasiyiin, ganacsato iyo shakhsiyaad kale.
PUNTLAND POST