
Ciidamada Puntland ee dagaalamaya buureyda Calmiskaad ayaa soo banhigay xubin tirsan kooxda Daacish oo ay ku qabteen howlgal maanta ka dhacay ceelka Il-Abal oo u dhow deegaanka Buruc ee degmada Qandala, halkaas oo ka mid ahayd goobaha ay ku dhuumaaleystaan firxadka kooxdan.
Sidoo kale ciidamada Puntland waxay sheegeen in ay ku daba jiraan xubno kale oo Daacish ah oo la socday xubinta la qabtay.
Ciidamada ayaa muuqaal ay ka soo duubeen xubinta la qabtay ee Daacish wuxuu ku sheegay inuu u dhashay dalka Turkiga, sidaan oo kale Puntland waxay bishii Juun u soo bandhigtay xubin kale oo u dhashay Turkiga.
Bayaan kooban oo ka soo baxay howlgal ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa lagu yiri “ciidanku waxay qabteen xubin ka tirsan firxadka argagixisada Daacish, waxay ku daba jiraan ugu yaraan labo kale oo la socday. Culayska hawlgalada socda firxadkii argagixisadu waxay noqdeen wax la laayo, wax isi soo dhiiba iyo kuwo lagu daba jiro”.
Ciidamada Puntland ayaa muddo ku dhow sanad dagaal xooggan kula dira kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad, waxaana intii uu howlgalkaasi socday ay gaareen guulo waaweyn.
PUNTLAND POST