
Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay deegaanka Habar-Bakuuje oo u dhow ceelka Il-Abal ay maanta ka saareen kooxda Daacish.
Sidoo kale ciidamada Puntland waxay tilmaameen in dagaalkii maanta lagu dilay xubno ka tirsan kooxdaas.
Bayaan kooban oo ka soo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa lagu yiri “hawlgalka maanta, waxay ciidanku firxadkii argagixisada Daacish ka saareen deegaanka Habar-Bakuuje oo u dhow Il-Abal, dagaalka waxaa lagu dilay xubno argagixiso ah, sifeynta firxadka ayaa meel wanaagsan maraysa”.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta sheegay in ciidamda Puntland ee ka dagaalamaya Calmiskaad ay qarka u saaran yihiin in ay howlgalkaas soo gabagabeeyaan.
PUNTLAND POST