Puntland ayaa sheegay in aysan marna aqbalayn in meesha laga saaro sharciga iyo qawaaniinta heshiiska lagu yahay ee federaalka Soomaaliya oo ugu horreeyo dastuurka kumeelgaarka ah, aysana sii fiirsanayn in dalku galo firaaq sharci iyo mid hoggaamineed.
“Dowladda Puntland marna ma aqbalayso in meesha laga saaro sharciga iyo qawaaniinta heshiiska lagu yahay ee federaalka Soomaaliya oo ugu horreeyo dastuurka kumeelgaarka ah, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq sharci iyo mid hoggaamineed” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Dowladda Puntland waxay tilmaantay in ay si buuxda u taageerayso in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee dhawaan lagu dhisay Nairobi uu qaato mas’uuliyada badbadinta mustaqbalka dalka.
“Dowladda Puntland waxay si buuxda u taageeraysaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda ku saabsan badbaadinta mustaqbalka dalka. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha mustaqbalka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan sidii Soomaaliya uga bixi la hayd hubanti la’aanta amni iyo jaahwareerka siyaasadeed” ayuu raaciyay madaxweyne Deni.
PUNTLAND POST