
Gabal-dhicii galabta waxaa waqooyiga maagaalada Gaalkacyo ee Puntland lagu dilay nin lagu magacaabo Cabdicasiis Cali Barre Afey.
Dilka ayaa ka dhacay meherad ku taalla bartamaha magaaalada Gaalkacyo, waxaana fuliyay koox hubaysan oo goobta isaga baxsaday markii ay falkaan geysteen.
Marxuumka ayaa la sheegay in uu ahaa nin sumcad ku leh bushada magaalada Gaalkacyo, waxaana dilkiisa lala xiriiray aano qabiil.
Magaalada Gaalkacyo dhinaceeda waqooyi ee Puntland, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay dilalka salka ku haya aargoosiga aanooyinka qabiilka.
PUNTLAND POST