
Shacabka degmada Eyl ee gobolka Nugaal oo noloshoodu ku tiirsantahay wax-soo-saarka badda ayaa si weyn uga cabanaya maraakiib jariif ah oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa xeebta magaalada Badey.
Maraakiibtan oo labo ah ayaa dhawaan dhalinyaro hubaysan oo ilaalisa laga saaray xeebta deegaanka Dhanaane ee demada Eyl, waxaana la aamimsan yahay in ay shati kalluumeysi siisay xukuumadda madaxweyne Deni. Maamulka degmada oo aan isku daynay in aan wax ka weydiino arrintan, ayaana noo suurta gelin.
Maraakiibta cusub ee jariifka ah waxay ku soo aaday, iyadoo dowladda Puntland ay shacabka ka joojisay ka ganacsiga Aargoosatada iyo khayraad kale laga bilaabo bisha 10-aad ee bad furanta ilaa bisha 1-aad.
Madaxweyne Siciid Deni oo dhawaan khudbad ka jeediyay shir ku saabsan kalluumeysiga oo Boosaaso ka qabsoomay ayaa caddeeyay in xeebaha Puntland uu ka socdo jariif ba’an oo maraakiib iyo doonyo shisheeye ku lug lee yihiin.
Madaxweyne Deni ayaa hadalkan jeediyay, iyadoo maraakiib iyo doonyo jariif ah ay ruqsad siisay xukuumaddiisa, kuwaasi oo qaarkood ay wakiil ka yihiin xubno ka tirsan qoyskiisa iyo qaar kamid ah saaxiibadiisa siyaasadeed.
PUNTLAND POST