
Magaalada Laascaanood ee xarunta maamul maamulka Waqooyi waxaa ka socda diyaargarowga soo dhaweynta madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekha ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda gaaro magaaladaas, iyadoo safarkan lagu sheegay inuu salka ku hayo ka qaybgalka caleemasaarka Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) oo bishii Agoosto loo doortay maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Laascaanood ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga taagay sawirka madaxweyne Xasan Sheekh iyo calanka Soomaaliya.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqon doona midkii ugu horreeyay ee burburkii kaddib, madaxweyne Soomaaliya ku tago Laascaanood.
PUNTLAND POST