
Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Nairobi kaga qaybgalay tacsida Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga.
Raila Odinga oo ku geeriyooday dalka Hindiya ayaa shalay meydkiisa la keenay magaalada Nairobi, waxaana munaasabad lagu qabtay fagaaraha cayaaraha Kasarani ka dhacay rabshado kooban, kaddib markii ay kumanaan qof oo baroordiiqayay ay isku dayeen in ay xoog ku galaan garoonka.
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay 7 cishe oo baroordiiq qaran ah kaddib geeridii ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Raila Amolo Odinga.
Sidoo kale Calanka Kenya ee gudaha waddankaas iyo xarumaha dibloomaasiyeed ee dalkaas uu ku leeyahay dibadda ayaa meel dhexe la geeyay.
PUNTLAND POST