
Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Caqdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa xalay saqdii dhexe shaaciyay magacyada golaha wasiirada cusub ee maamulkaas.
Golaha wasiirada cusub waxaa ka soo dhex muuqday xubno hore uga tirsanaa wasiiradii SSC-Khaatumo iyo xubno xilal ka soo qabtay Puntland.
Wasiirkii hore ee dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland, Jaamac Faarax Muuse ayaa noqday wasiirka gowlaha guud ee Woqooyi Bari, halka xildhibaan hore Puntland, Mahad Siciid Xasan loo magacaabay wasiirka xannaanada xoolaha maamulkaas.
Sidoo kale taliyihii hore ee booliiska Sanaag iyo Karkaar ee Puntland kornayl Cabdirisaaq Faarax Warsame ayaa isna noqday wasiirka amniga Waqooyi Bari.
Golaha wasiirada ee Firdhiye magacaabay waxay ka koobsn yihiin kow iyo labaatan xubnood oo hal xubin gabadh tahay.
Liiska xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:
1. Yuusuf Maxame Cali, wasiirka cadaaladda, arrimaha diinta iyo dastuurka.
2. Axmed Cali Bakhle, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib heshiisiinta.
3. Cabdiqani Yuusuf Hiirad, wasiirka maaliyadda.
4. Dr Aadan Jaamac Muuse, wasiirka caafimaadka.
5. Cali Dhakaawe Warsame, wasiirka qorsheynta, horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah.
6. Cabdirisaaq Faarax Warsame, wasiirka amniga.
7. Cabdi Xasan Maxamed, wasiirka tamarta iyo biyaha.
8. Mustafe Cabdinaasir Cismaan, wasiirka macdanta iyo batroolka.
9. Daahir Cabdirisaaq Axmed, wasiirka waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare.
10. Ismaaciil Shiikh Saalax, wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda.
11. Saaynab Cabdiraxmaan Calawaash, wasiirka arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka.
12. Siciid Maxamed Cabdiraxmaan, wasiirka, wasiirka deegaanka, duurjoogta iyo isbadalka cimilada.
13. Maxamed Siciid Xasan, wasiirka xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa.
14. Jaamac Faarax Muuse, wasiirka howlaha guud, gaadiidka iyo dib u dhiska.
15. Axmed Cabdi Shire, wasiirka duulista hawada.
16. Cabdiweli Xuseen Maxamuud, wasiirka ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga.
17. Axmed Cabdirisaaq Diiriye, wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda.
18. Cabdikariin Maxamuud Cabdi, wasiirka beeraha, waraabka iyo horumarinta reer miyiga.
19. Maxamed Diiriye Faarax Shariif, wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.
20. Ibraahim Jaamac Raygal, wasiirka dhalinyarada, ciyaaraha, shaqada iyo shaqaalaha.
21. Cabdiqaadir Maxamed Ducaale, wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda.


PUNTLAND POST