
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan qorsheynaya isku shaandheyn ay xilalka ku waayi doonaan xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, sida ay ogaatay warbaahinta Puntland Post.
Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in wasiirada arrimaha gudaha iyo deegaanka, Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) iyo Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ka soo wada jeeda gobolka Nugaal ay xilalka waayi doonaan, iyagoo lagu baddeli doono xubno cusub.
Sababta labadan wasiir xilalka looga qaadayo ayaa lagu sheegay in ay ka dhega adaygeen in ay gobolka Nugaal ka fuliyaan rabitaanka madaxweynaha iyo in ay qorshayaal u gaar ah wataan.
Xogaha ayaa sheegaya in wajiyada cusub ee la filayo in ay ka mid noqdaan golaha wasiirada Puntland uu ka mid yahay Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo hore xilal wasiirnimo u soo qabtay, hadana ah la-taliyaha dhanka amniga ee madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda Garoowe u yimaado furitaanka kalfadhiga 57aad ee Baarlamaanka Puntland iyo isku shaandheynta xukuumaddiisa.
PUNTLAND POST