Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garowe, kaddib safar muddo qaatay oo ugu maqnaa magaalada Boosaaso.
Madaxweyne Deni oo maalmo ka hor ka soo kicitimay magaalada xarunta u ah ganacsiga Puntland ayaa ku soo hakaday magaalada Qardho, halkaas oo uu kula kulmay ciidan boolis ah oo dhawaan tababar loogu soo xiray kulliyadda Carmo.
Madaxweyne Deni ayaa berri oo sabti ah furi doona kalfadhiga 57 ee Baarlamaanka Puntland, halkaas oo lagu wado in uu ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabanaysa.
Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in uu dhawaan isku shaandhayn ku sameeyo golihiisa wasiirada, sidoo kalena uu magacaabo xilal kala duwan.
PUNTLAND POST