Garoowe (Faallo) — Waraysi dhowaan la soo sii deyn doono oo lala yeeshay lWasiirka Arrimmaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) wuxuu u dooday sidan: “Waqooyi Bari waa annaga.” In Puntland beddeshay magacii Waqooyi Bari 1998kii wuu og yahay. Juxaa wuu illowsan yahay in asaaskii Puntland lagu saleeyay mabda’a dhowrista midnimada Soomaaliya. Laguma boolaxooftami karo qarannimada Soomaaliya.
Haddii madaxdii isku xigxigtay ee Puntland ay culeyska siyaasadeed ee reer Puntland arki waayeen kaddibna oggolaadeen in xildhibaanno goosasho-doonka metela ay Muqdisho kaga awod-bataan Puntland, ma dareen goosasho ayuu Juxaa fidinayaa isagoo og dadka Puntland inaysan taageeraynin kala goynta Soomaaliya? Waraysigii 2019 uu Qaalib Baaruud, oo hadda Xildhibaan ka ah Baarlamaanka Puntland, la yeeshay Madaxweyne Deni waxaa ku jirta dood sharciyeed iyo taariikheed uu Madaxweyne Deni si kooban u soo gubdiyay.
Qaalib ayaa weyddiiyay Madaxweyne Deni: “Somaliland waxay sheeganaysaa in xadkeedu yahay duleedka Garoowe, idinkana aad sheeganaysaan in xadku yahay Labida Gaatima oo u dhow Burco. Ma jiraa xal aad ku maaraynaysaan khilaafkaas idiin dhexeeya?”. Madaxweyne Deni wuxuu su’aashaas uga jawaabay sidan: “Annaga [Puntland] iyo maamulka Somaliland muran dhuleed nagama dhexeeyo, laakiin waxay ku soo xadgudubtay dhulka Puntland”. Qaalib ayaa su’aal kale weyddiiyay Madaxwyne Deni: “Iyaguna [Somaliland] waxay aamminsan yihiin inaad idinku ku soo xadgudubteen xudduud ay Soomaaliya la leeyihiin.” Madaxweyne Deni wuxuu ku jawaabay: “ Hadday iyagu [Somaliland] Ingiriis noqdeen, annagu [Puntland] Talyaani ma nihin.”
Madaxwyne Deni wxuu bixiyay jawaab taariikh iyo sharci ku salaysan. In dad Soomaaliyeed ay sheegtaan inay xudduud gumeyste Soomaali ka dhex sameeyay ay weli jirto waa wixii sababay barakicintii 2021 ka dhacday Laascaanood iyo dagaalkii 2023 ka dhacay Laascaanood oo Punland ay dhulkeeda kaga wada xoreysay goosasho-doonka.

Waa xusid mudan in Muuse Biixi 2023 diiday xabbadjoojintii Golaha Ammaanku ku baaqay. Muuse wuxuu soo jeediyay in xal laba dal oo keliya haddii miiska la soo saaro uu oggolaan doono xabbadjoojin. Culeyska difaaca qarannimada Soomaaliya wuxuu 2023 ku dhacay dadka Puntland si la mid ah sida hadda ay dusha u saarteen culayska la dagaallanka Daacish oo isku soo urursaday Calmiskaad.
Puntland kama faa’iidaysanin fursado badan oo siyaasadeed oo ay ku heshay dadaallo isdifaac ay muujisay tan iyo 2016kii. Puntland taladii dalka waxay u dhaaftay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka faa’ iidaysata dhirifsanaanta siyaasadeed ee Puntland iyo codadka Senetarrada iyo Xildhibaannada maamulka Somaliland ku metela hay’adaha federaalka.
Puntland waxay u baahan tahay siyaasad aan laablakac iyo dhirif degdeg ah aan ku salaysnayn. Siyaasiyiinta bagaashlayaasha ah oo muddo dheer Puntland ka shaqaysanayay lama jaanqaadi karaan siyaasadda Soomaaliya.
Puntland lacago badan oo miisaaniyad kabis ah ayaa kaga maqan Muqdisho kaddib markii Puntland ay ka cagajiidday in habka ay shatiyada kalluumaysiga ku bixiso waafajiso habka maamullada xubnaha ka ah dowladda federaalka. Madaxweyne Deni isaguba wuu qiray in maamulkiisu uusan waxba ka ogeyn lacagaha ka soo xerooda shatiyada kalluumaysiga lagu bixiyay magaca Puntand.
Intaas waxaa dheer in Puntland 2016 go’aansatay inay ka harto in baddeeda shidaal laga baaro, halka Jubaland ay oggolaatay. Puntland ma hesho sahayda iyo saanadda ay beesha caalamku siiso Ciidanka Xoogga Dalka waayo habka xasilinta Soomaaliya ayay Puntland bannaanka ka taagan tahay inkastoo ay tahay maamulka keenay habka federaalka oo maanta Soomaaliya lagu maamulo. Madaxweyne Deni waa inuu dib u baandheeyo turubkiisa siyaasadeed.
© Puntland Post, 2025