
Addis Ababa (Wararka PP) — Dowladaha waaweyn oo adeegsanaya mabda’ kheyraadka la wadaago (global commons) ayaa Itoobiya ku cadaadinaya inay la gasho Masar iyo Suudaan heshiis ku saabsan biyoxireenka Itoobiya oo dhowaan la furay.
Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-sisi oo maanta khudbad jeediyay ayaa sheegay in Masar aysan gacmaha ka laaban doonin haddii biyoxireenka Itoobiya sababo inay yaraadaan biyaha soo gaara Masar iyo Suudaan.

Khudbadda Al-sisi waxay dhalisay dareen colaad dhexmari karta Masar iyo Itoobiya. Dowladda Masar ayaa hub aad u badan iyo diyaaradaha dagaalka keentay dal aan la sheegin oo soohdin la leh Itoobiya. Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in biyoxireenka dib u curashada Itoobiya uusan saameyn doonin biyaha webiga Niil ee Masar iyo Suudaan.

Abiy wuxuu maalmahan isu diyaarinayay dagaal uu ku qaado Eritreeya si uu u qabsado dekedda Casab ee Eritreeya. Intaas waxaa dheer in jabhadda FANO ee qowmiyadda Amxaaradu ay dhul badan qabsatay halkan jabhadda OLF ee qowmiyadda Oromadu ay dagaal ka waddo gobolka Oromiya.
Dhowaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay “Itoobiya inay hirgelisay biyoxireen yariis ah”.
© Puntland Post, 2025