
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmayo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.
Wararka ayaa sheegay in kulanka looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin sidii ay u sii socon lahaayeen wadahadalladii Jubaland iyo dowladda federaalka, iyadoo la filayo in mar kale uu dhawaan Kismaayo tago madaxweyne Xasan Sheekh.
Doorkan waxaa dhexdhexaadinta wada Itoobiya, iyadoo kulankii hore ee fashilmay ay garwadeen ka ahayd dowladda Kenya.
Wadahadallada ay Itoobiyo ka dhexwado madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda federaalku waday qorshe ay Jubaland cusub uga dhisayso Gedo.
Dowladda Itoobiya oo ciidamo ka joogaan gobolka Gedo ayaa doonaysa in ay sii xoojiso doorka ay ku leedahay siyaasadda Soomaaliya.
PUNTLAND POST