
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Maxamed Baarri Shire ayaa sheegay in kooxda argagixisada Daacish ay ku milmeen dadka reer guuraaga ah ee degan buuraleyda Calmiskaad.
Guddoomiye Baari wuxuu sheegay in deegaanno hore looga sifeeyay kooxdan oo lagu ogaa reer guuraa ay hadda dib ugu soo noqdeen Daacish, isagoo tusaale u soo qaatay weerarkii habeen hore lagu dilay nabadoon Cabdi Hayaan Saalax oo ka dhacay togga Walisoor.
Guddoomiye Baarri wuxuu tilmaamay in shaqo badan oo ciidamada Puntland ka qaban lahaayeen kooxda Daacish looga turay dadka reer guuraaga ah iyo xijiyaysatada deegaannadaas ku nool, balse hadda kaddib aan la ogolaanayn cid gabbaad u noqota kooxda argagixisada.
Guddoomiye Baarri ayaa hadalkan ka jeediyay kulan maanta Boosaaso ka dhacay oo looga hadlay taageerada iyo garab istaagga ciidanka Puntland.
Hoos ka daawo hadalka guddoomiye Baarri.
PUNTLAND POST