
Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ayaa maanta ansixiyay soo jeedin ka timid wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga oo ku aadan in afar diblumaasi loo dalacsiiyo darjada safiir iyo qunsul.
Danjireyaasha la ansixiyay ee Soomaaliya ku mateli doona dalalka caalamka ayaa kala ah:
1. Mudane Axmed Cabdullaahi Axmed – safiir
2. Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim – safiir
3. Mudane Xasan Xuseen Xasan – safiir
4. Mudane Guuleed Warsame Rooti – qunsul guud.

Kulankii toddobaadlaha ee golaha wasiirrada oo maanta uu shir guddoomiyaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.
Kulanka ayaa lagu sheegay in miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026 ay kor u kici doonto, lana qorsheeyay in kororkaasi lagu maalgeliyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyay golaha wasiirrada in ay si buuxda uga qeybqaataan dadaallada dimuqraadiyeynta dalka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka loona adkeeyo muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST