Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo isimo kale oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa soo dhaweeyay baaqii ka soo baxay isimada Bari.
“Isimada Nugaaleed intii is-heshay waxaan go’aan ku gaarnay in aan ayidno baaqii isimada Bari. In la isu yimaado oo la tashado, oo wixii jira laga wadahadlo waan soo dhaweynaynaa” ayuu yiri Suldaan Garaase oo u hadlay isimada.
Toban isim oo ka mid ah isimada gobolka Bari ayaa 24 bishan soo jeediyay in la isugu yimaado shir degdeg ah oo loogu gogol xaaro saamileyda Puntland, maadaama bay dheheen is beddel ku yimid dhismihii 1998.
Sidoo kale isimadda Bari waxay soo jeediyeen in dowladdu si degdeg ah wax uga qabato kalluumeysiga sharci darrada ah ee lagu hayo xeebaha Puntland.
Isimadu waxay soo jeediyeen in la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaliyeed, ayna madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleedba ka shaqeeyaan maslaxada ummadda iyo isku haynta dadka iyo dalka.
PUNTLAND POST