
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Mudug, kuwaas oo maalin ka hor looga yeeray madaxtooyada Garowe.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda gobolka Mudug ee dhinacyada amniga, la dagaalanka maandooriyaha iyo dib-u-heshiisiinta beelaha, si xal waara loogu helo dilalka beelaysan ee gobolka ku soo noqnoqday iyo sidii loo dardargelin lahaa horumarinta gobolka Mudug.
Kulanka madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo mas’uuliyiinta Mudug waxaa ka qaybgalay xubno ka mid ah golaha xukuumadda oo intooda badan ka soo jeedaan gobolkaas.



















PUNTLAND POST