
Agaasimihii hay’adda PDRC, Cali Faarax Cali (Farmayeeri) ayaa galabta ku geeriyooday magaalada Garowe oo ku xanuunsanaa maalmihii u dambeeyay.
Allaha u naxariistee, marxuum Cali Faarax wuxuu 20-kii sano ee la soo dhaafay ka shaqaynayay hay’adda PDRC, intii uu xarunta joogay, wuxuu ka soo noqday cilmi-baare, xiriiriyaha barnaamijyada, illaa uu ka gaaray heerka agaasimaha xarunta.
Cali wuxuu ahaa aqoonyahan heer sare ah, gaar ahaan cilmiga Badaha (Marine Science) iyo sidoo kale Captain Markab. Intii aysan dowladdii Soomaaliya burburin wuxuu ahaa agaasime ka tirsan wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
Burburkii kadib, wuxuu waayo-aragnimo ballaaran ka soo helay howlaha gargaar, isaga oo u shaqaynayay hay’adda UNDP.
PUNTLAND POST