
Maxkamadda gobolka Galgaduud oo fadhigeedu yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa ku weyday saddex nin oo loo haystay dilka hooyo iyo saddex carruur gabdho ah oo ay dhashay, dhacdadaas oo lala xiriiriyay aano qabiil.
Maxkamadda ayaa sheegtay in kiiskan loo waayay caddaymo ku filan, sidaas darteed eedeysanayaasha lagu helay in ay dhaartaan warasada marxuumiintii dhimatay, balse taas ay diideen.
Maxkamadda ayaa tilmaamay in ragaas labo ka mid ah lagu helay ciqaab ah shan sano oo xariga, halka kan kale lagu xakumay saddex sano oo xariga.
PUNTLAND POST