
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday xubno ka mid ah Madasha Samatabixinta ee mucaaradka.
Wasiir Fiqi oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ku eedeeyay mucaaradka in ay dhaqaale ku soo qaateen si ay caasimadda uga sameeyaan bannaanbaxyo lagu carqaladeynayo amniga, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin “xagjiriin siyaasadeed”.
Fiqi wuxuu sheegay in dowladdu ogoshahay mudaharaad boorar la wato, halse aysan oggolaanayn in hub la soo qaato.
Hadalka wasiir Fiqi wuxuu ku soo aaday, xilli dhawaan mucaaradka iyo dowladda isku afgarteen in dib loo dhigo mudaharaadka, iyadoo la tixgalinayo xaaladaha amniga ee Muqdisho, kaddib weerarkii Godka Jilacow.
Fiqi ayaa inta badan jeediya hadalo kulul oo baasiin ku sii shubaya khilaafka u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.
PUNTLAND POST