
Dooxada Dharoor oo hoostaga degmada Iskushuban ee gobolka Bari, kana mid ah dooxooyinka ugu caansan Soomaaliya ayaa waxaa ka dillaacay boholo biyo mareen ah iyo geedka loo yaqaan garan-waaga.
Odaaysha ku dhaqan deegaanka Dharoor ayaa arrintan la wadaagay oo tusay guddi ka tirsan baarlamaanka Puntland oo maalmahan safar shaqo ku marayay gobolada Bari iyo Raascasayr.
Guddiga ayaa sheegay in ay warbixinta dhibaatooyinkan gaarsiin doonaan cid kasta oo ay quseyso, ayna ka jeedin doonaan kalfdhiga soo socda ee Baarlamaanka Puntland.
Boholaha dillaaca iyo geedka garan-waaga ayaa dhibaato weyn ku haya deegaanno badan oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo saameeyay dhul-daaqsimeedyo iyo dhul-beereedyo caan ah.











PUNTLAND POST