
Dadka ku nool degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal ayaa cabasho xoogan ka muujiyay biyo la’aan iyo bacaad si xowli ah ugu fidaya degmadaas.
Dadka degmada ku nool oo ah xoolo-dhaqato beeraley ayaa sheegay in ay beerahoodii isugu darsan tahay biyo la’aan daran iyo bacaad xiray, aysanna jirin cid wax soo saartay sanadkan.
Waxay tilmaameen in dhamaan beeraleyda deegaanka ay arrintaan saamaysay ayna wajahayaan xaalad isku mid ah oo saameysay noloshooda.
Beeraleyda Godobjiiraan ayaa ka codsaday dowladda Puntland iyo cid walba oo arrintani quseyso in ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo wax looga qabto biyo la’aanta iyo bacaadka.
Hooska daawo cabashada Godobjiiraan
PUNTLAND POST