
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib-u-habayn ku sameyn doonto baasaboorka, islamarkaana laga dhigi doono mid buuxiya heerarka tayada iyo amniga ee ay dejisay Hay’adda Duulista Caalamiga ah (ICAO).
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in baasaboorka cusub uu noqon doono mid elektaroonik ah oo leh adkeysi, amni iyo tayo sare.
Sidoo kale Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay xustay in ay bilaabaysa wadatashi ballaaran oo ay la yeelanayso bulshada Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda iyo daneeyayaasha kale ee quseyso arrintan, si loo hubiyo in baasaboorka cusub uu noqdo mid matalaya rajada, sumcadda, iyo baahida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST