Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay madaxtooyada Garowe kulan kula qaatay isimada, ganacsatada iyo siyaasiyiinta gobolka Mudug, kaas oo looga hadlay amniga iyo horumarinta gobolkaas.
Isimada Mudug oo hoggaaminayay Islaan Bashiir Islaam Cabdulle ayaa madaxweynaha la wadaagay xaaladda amniga ee gobolkaas oo ay qayb ka tahay aanaysiga qabiilka.
Sidoo kale Madaxweynaha waxaa lala wadaagay hindise ay wadeen ganacsato reer Puntland ah, kaas oo ah in ay dayactir iyo maalgelin ku sameeyaan garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf.
Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in uu balanqaaday in dowladdu qorshe cad ka qaadanayso amniga magaalada Gaalkacyo, dhawaana la arki doono, isagoo dhanka kale soo dhaweeyay hindisaha ganacsatada ee maalgelinta garoonka Gaalkacyo.










PUNTLAND POST