Qaar ka mid isimada gobolka Bari oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday magaalada Boosaaso ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob oo inta badan ay uga hadleen xaaladda Puntland.
Isimada ayaa soo jeediyay in la isugu yimaado shir degdeg ah oo loogu gogol xaaro saamileyda Puntland, maadaama bay dheheen is beddel ku yimid dhismihii 1998.
Isimadda waxay soo jeediyeen in dowladdu si degdeg ah wax uga qabato kalluumeysiga sharci darrada ah ee lagu hayo xeebaha Puntland.
Sidoo kale waxay madaxda sare ee Puntland u soo jeediyeen in ay hoos u eegaa cabashada ka imanaysa shacabka Boosaaso ee la xiriirta qiimaha biyaha iyo korontada.
Isimadu waxay soo jeediyeen in la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaliyeed, ayna madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleedba ka shaqeeyaan maslaxada ummadda iyo isku haynta dadka iyo dalka.
Isimada bayaanka soo saaray waxay kala yihiin, Beedaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beedaaje Ismaaciil Beedaaje Yaasiin, Beedaaje Maxamed Beedaaje Ismaaciil, Beedaaje Cali Beeldaaje Salaad, Beedaaje Axmed Mataan Xasan, Suldaan Ciise Maxamed Ciise, Suldaan Mursal Muuse Konte, Suldaan Cali Maxamuud Ismaaciil, Suldaan Abshir Axmed Jibriil iyo Suldaan Daahir Suldaan Cabdullaahi (Soonte).
Hoos ka akhri bayaanka


PUNTLAND POST