
Waxaa maanta baaqday safar uu magaalada Baydhabo ku tagi lahaa wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Maamulka Koonfur Galbeed ee hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku wargeliyay shirkadaha diyaaradaha in aysan soo qaadi karin cid aan ogolaasho ka haysan maamulka.
Wafdiga Mursal oo ay qayb ka ahaayeen xildhibaano iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah maamulka Laftagareen ayaa la sheegay in ay Baydhabo u tagi lahaayeen in ay xafiisyo ka furtaan, iyagoo halkaasi ka bilaabi lahaa fulinta qorshaha doorashada qof iyo cod ee madaxweyne Xasan Sheekh.
Mursal oo ka mid ahaa xubnihii Madasha Samatabixinta ka baxay ee heshiiska la galay Villa Somalia ayaa hadda ka tirsan xisbi siyaasadeed dhawaan iska diiwaangeliyay guddiga doorashooyinka.
PUNTLAND POST