
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xilkii ka qaaday maareeyihii garoonka diyaaradaha Muqdisho, Maxamed Siciid Cabdullaahi (Signal).
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa xilkaas u magacaabay Cabdinaasir Maxamuud Guray oo uu horay uga qaaday.
Dhanka kale Cabdalla Xasan Cali ayaa loo magacaabay agaasime ku-xigeenka guud ee xarunta qaran ee tubsan oo hoostagta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.


PUNTLAND POST