
Deegaannada Puntland waxaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay kooxo muqalasiin ah oo wax tahriibiya, kuwaas oo duufsaday dhalinyaro badan oo dhiganaysay dugsiyada iyo jaamacadaha.
Dhalinyaro badan ayaa muddooyinkii dambe laga qaaday deegaannada Puntlad, kuwaas oo la sii mariyay magaalada Muqdisho oo looga sameeyay baasabooro, ugu dambeyna la geeyay Liibiya.
Dhalinyaradan ayaan laga qaadin wax qarash ah ilaa la geeyay Liibiya, markaas oo lagu soo dalacay lacag gaaraysa labaatan kun oo doolar ($20,000), sida ay sheegaan qaar ka mid ah waalidiintooda.
“Gabar aan dhalay ayaa waynay, mar waxaa na loogu sheegay Garowe, marna Muqdisho, labo todobaad kaddib waxay naga soo wacday Liibiya, waxayna noo sheegtay in laga rabo sagaal iyo toban kun oo doolar” sidaas waxaa Puntland Post u sheegtay hooyo gabadh ka tahriibtay oo ku sugan Qardho, iyadoo ku dartay “gabadhaydu ma haysan baasaboor laakiin dadkii qaaday ayaa u sameeyay”.
Dadka wax tahriibiya ayaa la aaminsan yahay in ay la shaqeeyaan mas’uuliyiin dowladeed oo Muqdisho iyo Puntland ku sugan, kuwaas oo u fududeeya bixinta baasaboorada iyo in ay dhalinyaradu ka baxaan garoomada diyaaradaha.
Dhalinyarada la tahriibiyo ayaa marka ay tagaan Liibiya la kulma tacaddiyo badan oo aysan malaysanayn iyo safarka qatarta badan ee badda Mediterranean-ka oo ay kuwa badan ku dhintaan.
Farsamada cusub ee ay isticmaalayaan dadka wax tahriibiya ayaa walaac ku abuurtay waalidiin badan oo ka cabsi qaba in caruurtoodu u gacan-gasho kooxahaas.
PUNTLAND POST