
Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadashay booqasho uu maanta madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Qaraal ka baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in booshada Cirro ay la xiriirto arrimaha amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha isu-socodka ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
“Safarkan ayaa ah mid xambaarsan ujeeddooyin diblomaasiyadeed oo miisaan leh, kaasi oo lagu xoojinayo xidhiidhka taariikhiga ah, iskaashiga istiraatiijiga ah iyo danaha muhiimka ah ee ka dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha isu-socodka” ayaa lagu qoraalka.

Madaxweyne Cirro ayaa inta uu ku sagan yahay magaalada Addis Ababa, waxa uu kulamo la yeelan doonaa madax ka tirsan Itoobiya, kuwaasi oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga labada dhinac, kor u qaadidda ganacsiga, isu-socodka ka wada-shaqeynta nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Cirro waxa safarka Itoobiya ku wehelinaya wasiirradiisa arrimaha dibedda, madaxtooyada, maaliyadda, hawlaha guud, maalgashiga, taliyaha ciidanka iyo agaasimaha hay’adda sirdoonka Somaliland.
PUNTLAND POST