
Maxaabiista ku xiran saldhigyada magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah, kaddib markii ay ku dhacday cunto la’aan, sida ay ogaatay Puntland Post.
Ilaa afar saldhig boolis oo ku yaalla Garoowe ayna ku jiraan boqolaal maxaabiis ah oo intooda badan xukun-sugayaal ah ayaa helin wax raashin iyo garaam ah, marka laga reebo tiro yar oo qoysaskooda ku tiirsan.
Dowladda hoose ee Garoowe ayay ahayd in ay bixiso raashinka maxaabiista, basle muddo sanado ah saldhigyadu wax xaquuq ah kama helin maamulka caasimadda, waxayna muddo maxaabiistu ku tiirsanaayeen askarta ilaalisa oo ay raashinka la cuni jireen, taas laftigeeda oo ay hadda waayeen.
Guddi baarlamaan ayaa dhammaadkii sanadkii hore baarlamaanka Puntland ka horjeediyay cunta la’aanta maxaabiista saldhigyada Garoowe, hase ahaatee baarlamaanku arrintan waxba kama qaban.
PUNTLAND POST