
Nabadoon Cabdi Hayaan Saalax oo qayb ka ahaa howgalka la dagaalanka argagixisada Daacish ayaa ku geeriyooday dagaal xalay ka dhacay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Nabadoonka ayaa ku dhintay weerar ay kooxda argagixisada ah ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa togga Walisoor, waxaa sidoo kale wararkaas ku dhaawacmay ilaa labo askari.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlmaanka Puntland Maxamed Baarri Shire oo ka hadlay geerida nabadoonka ayaa yiri “AUN nabadoonku waxa uu ahaa nin geesi ah, waana nabadoonkii ugu horreeyey ee intuu koofiyada dhigay tuutaha xirtay bilowga dagaalka ilaa iyo haatana ku sugnaa jiidaha hore ee dagaalka”.
Ciidamada Puntland ayaa muddo ku dhow sanad dagaal dagaal xooggan kula dira kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad, waxaana intii uu howlgalkaasi socday la gaaray guulo waaweyn.
PUNTLAND POST