Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa ku guuleysatay doorashadii lagu murmay ee dalkaas, iyadoo heshay in ka badan 97% codadkii la dhiibtay, sida ay saaka ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka dalkaas.
Natiijadu waxay u badan tahay in ay sii kordhiso walaaca ay qabaan dadka dhaleeceeya, kooxaha mucaaradka ah iyo kuwa kale oo sheegay in doorashada Tanzania aysan ahayn tartan balse ay tahay caleemo-saar.
Doorashadii dalkaas ka dhacday 29-kii Oktoobar ayaa waxaa hareeyay rabshado dad ku dhinteen, iyadoo dibad baxayaal badan ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalooyinka waaweyn, si ay uga mudaaharaadaan codbixinta ayna joojiyaan tirinta codadka.
Suluhu waxay talada dalkaas qabatay sanadkii 2021-kii kaddib geeridii madaxweyne John Pombe Magufuli.
PUNTLAND POST