Muqdisho (Wararka PP) — Xildhibaan Saadaam Maxamuud Cabdi oo ka mid mudaneyaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku matala Puntland ayaa ka hadlay eedeyn dadka qaar u jeediyeen deegaankiisa, taas oo ah in ay kaalin ku leedahay colaadda Suudaan.
Xildhibaan Saadaam oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in warkaasi yahay mid been abuur ah oo xaqiiqada ka fog, islamarkaasna ay wadaan kooxo dano gaar ah leh oo doonaya in la sumcad dilo Puntland iyo in kala dhantaalo dagaalka lagula jiro Daacish.
“Puntland hawada Soomaaliya ma maamusho, waxaa maamusha dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana awood u siiyay qodobka 54-aad ee dastuurka” ayuu yiri Xildhibaan Saadaam.
“Diyaaradaha yimaada Boosaaso ee ka yimaada Imaaraadka ama adduunka kale waxay oggolaansho ka helaan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Puntland qayb kama aha” ayuu raaciyay.
PUNTLAND POST