Xubnaha guddida farsamada ee dhammaystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay ku shiray magaalada Nairobi ayaa go’aamiyay halka uu ka dhacayo shirka lagu dhameystirayo golahaas iyo xilliga uu dhacayo.
Guddiga ayaa go’aamiyay in shirka lagu dhameystirayo qaab-dhismeedka golaha lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel-gaarka maamulka Jubbaland. Waxay sidoo kale isku raaceen in shirka la qabto inta aysan dhammaan bisha lagu jiro Noofeember.
Shirka Kismaayo ayaa sidoo kale goluhu uga arrinsan doonaa go’aannada ay ka qaadanayaan xaalada kala guurka ah ee dalka, sida ay ku sheegeen bayaankii Nayroobi ee ay soo saareen bishii Oktoobar.
PUNTLAND POST