Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in qof kasta oo isku daya in uu la wareego markab uu la kulmi doono ‘ciqaabta ugu dambeysa’.
Trump, wuxuu sheegay in Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth uu “gebi ahaanba fasax u heystay” in uu ciidamada Maraykanka u adeegsado duqeymaha doomaha burcad-badeedda Soomaalida ay u adeegsadaan in ay ku weeraraan maraakiibta ganacsi ee mara xeebaha Afrika.
Sidoo kale Trump ayaa tilmaamay in burcad-badeeda Soomaalida lagu daray liis la mid ah kan lagu beegsado kooxaha daroogada ka ganacsada, islamarkaana lagu weerari doono gantaalladii loo isticmaalo burcada-daroogada.
Hadalka madaxweynaha Maraykanka wuxuu ku soo aadayaa, xilli burcad-badeeda Soomaalida ay xeebaha Puntland ee Soomaaliya ku haystaan markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaas oo dalbanaya lacag dhan 5-milyan oo doolarka Maraykanka ah.
Markabka oo lagu magacaabo LDY578 ayaa 31 bishii Diseembar 2025 lagu qabsaday xeebaha degmada Banderbayla, waxaana hadda saaran 17 shaqaale ah. Markabkan waxaa sidaan oo kale 2024 qabsaday koox kale oo burcad-badeed ah oo markii dambe ka qaadatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa labo milyan oo doolar.
PUNTLAND POST