Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Jarmalka ayaa shalay Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi horumarineed oo ka badan €75 milyan. Heshiiska waxaa u kala saxiixay labada dowladood Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), iyo Madaxa Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Jarmalka (BMZ), Julia Hanning.
Heshiiskan, oo socon doona muddo labo sano ah oo ka bilaabanaya 2026-ka, ayaa la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), waxa uuna diiradda saaraya: Beeraha iyo nidaamyada cuntada, Waxbarashada, shaqo-abuurka iyo xirfadaha farsamada (TVET), Biyaha iyo maaraynta biyo-gelinta, iyo Adkaysiga/isbeddelka cimilada.
Heshiiska cusub wuxuu ka dhashay wadahadallo laba maalmood socday oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ay yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socday Dowladda Jarmalka. Wuxuu sidoo kale daba socday heshiiskii labada dal ay kala saxiixdeen 2023.
Wasiir Beenebeene ayaa yiri: “Iskaashigan wuxuu xoojinayaa mudnaanta NTP, gaar ahaan shaqo-abuurka, adeegyada aasaasiga ah, iyo adkaysiga cimilada.” Dhankeeda, Ms. Hanning ayaa caddeysay in “Jarmalku ka go’an tahay dhiirigelinta barnaamijyo saameyn leh oo kaabaya adeegyada iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.”
Wasiir Beenebeene ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jarmalka taageerada joogtada ah, halka Julia Hanning ay xustay in Soomaaliya iyo Jarmalka uu ka dhexeeyo iskaashi dhinacyo badan leh. Soomaaliya iyo Jarmalka waxaa ka dhexeeya xiriir iskaashi iyo saaxiibtinimo oo soo socday in ka badan 60 sano.
PUNTLAND POST