Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Hindiya Dr. Subrahmanyam Jaishankar ayaa maanta wada-hadallo laba-geesood ah ku yeeshay magaalada New Delhi.
Wada-hadallada waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, iyo caafimaadka, sada lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ka mahadceliyay taageerada Hindiya ee madax-bannaanida, midnimada, iyo amniga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo xiriirka dhow, isla markaana la dardargeliyo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo horseeda natiijooyin la taaban karo, si iskaashiga labada dal loogu beddelo horumar dhab ah oo u adeegaya danaha labada shacab.
PUNTLAND POST