Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo ahaa mas’uulkii ku dhawaaqay go’aankii sababay mudaharaadyada Boorama ayaa caawa sheegay in uu iska casilay xilka.
Wasiir Axmed Yaasiin oo ka soo jeeda gobolka Awdal una dhashay beesha Samaroon ayaa sheegay in uusan qaadan karin inuu ku dhawaaqo go’aanka reerkiisu ku kacay, kan uu ku dagayana uu ku dhawaaqo madaxweyne Cirro.
“Maanta ku sawirmi maayo go’aanka qaraar ee reerkaygu ku kacayo in aan anigu akhriyo, kan macaan ee reerkaygu ku dagayana uu madaxweynuhu afhayeen isku noqdo” ayuu yiri wasiir Axmed Yaasiin oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa.
Wasiir Axmed Yaasiin ayaa noqday wasiirkii koowaad ee iska casila xukuumadda madaxweyne Cirro oo hadda sannadkii u horreeyay u buuxsamayo.
PUNTLAND POST