Xulka qaranka Senegal ayaa xalay markii labaad taariikhda ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika (AFCON 2025), kaddib markii ay 1-0 uga badiyeen xulka Morocco oo isagu ahaa martigeliyaha tartanka.
Senegal waxay guusha gaadhay waqtigii dheeriga ahaa ee kulanka (Extra Time), kaddib markii daqiiqadii 94-aad uu gool qurux badan u keenay xiddiga Pape Gueye, kaas oo si rasmi ah u go’aamiyay natiijada ciyaarta.
Xulka Morocco waxa uu dhamaadkii waqtigii rasmiga ahaa loo dhigay rigoore muran dhalisay, hase yeeshee waxaa fursadaas ka khasaariyay xiddiga Real Madrid ee Brahim Diaz.
Kulanka kama dambeysta tartankan oo ahaa mid aad u xiiso badnaa wuxuu ka dhacay magaalada Rabat ee caasimadda Morocco.
Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa ku guuleystay abaamarinta xiddigii ugu wanaagsanaa intii uu socday Tartanka Qaramada Afrika ee AFCON 2025.
PUNTLAND POST