Maamulka Galmudug ayaa ka hor yimid shakhsiyaad uu degmooyinka maamulkaas u magacaabay xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Qaraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa lagu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin dadka sheeganaya magaca xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee wakiilada ugu magacaaban qaar ka mid ah degmooyinka Galmudug.
Galmudug waxay ku wargelisay xisbiyada siyaasadda ee diiwaangashan in aysan wax olole ah ka bilaabi karin deegaanadeeda inta ay ansixinayso hannaan ay isla ogolyihiin Galmudug iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Go’aanka Galmudug ayaa ku soo aaday, xilli maalmo ka hor koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug laga daahfuray diiwaangelinta doorashada, ayna yimaadeen xubno sare oo ka tirsan xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka.
Xisbiga JSP ayaa 13 bishii May ee sanadkan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxaana ku midoobay madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay guddoomiyaha xisbiga.

PUNTLAND POST